Daawo:Maydadka Ragii Weerarka Ku Qaaday Xaruunta Shirka Cadadao Oo la Soo Bandhigay

0
312

Cadaado(INO)-Ragga weerarkaan fuliyay ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan afar ruux, waxaana ay wateen gaari noociisa uu yahay SURF/RUNEYD, mid ka mid ah ragaasi ayaa isku qarxiyay agagaarka Xarunta Kafaalo.

Saddexda ruux ee kale oo hubaysnaa ayaa isku dayay inay xoog ku galaan xarunta, hayeeshe ciidamada ammaanka Xarunta Kafaalo, ayaa toogtay raggaasi, sida uu xaqiijiyay ruux ku sugan Magaalada Cadaado oo goobta wax ay ka dhaceen ka agdhawaa.

Guddoomiyaha Guddiga farsamada shirka Mamul u sameynta Gobolada Dhexe Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyay oo ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Waxa ay sheegtay inaysan jirin wax khasaaro ah oo Ergooyinka kasoo gaaray weerarkaan Shabaabka ay ku qaadeen xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado.

dhinaca kale waxaa inoo suurta gashay in aan helno sawirada Maydadka ragii Weerarka fuliyay oo la soo bandhigay.

DSC03041

DSC03042

DSC03043

DSC03044

DSC03045

DSC03048

DSC03050

DSC03051

DSC03053

DSC03057

DSC03064

DSC03068

DSC03071

DSC03072

DSC03076

DSC03080Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here