Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax xoogan Oo Ka Dhacay Agagaarka Xarun Ay Degan yihiin Ergooyinka Shirka Cadaado

0
238

Cadaado-(INO)–warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu Saaka ka dhacay Qarax lagu sheegay ismiidaamin waxaana hadda wararka ka imanaya ay sheegayaan in weerarkaas la fashiliyay.

inta la xaqiijiyay 4 Qof oo weerarka geystay ayaa ku dhintay ilaa haddana ma jirto cid kale oo ay wax ka soo gaareen majirto marka laga reebo Askari kamid ahaa ilaada Shirka oo Itoobiyaan ah oo uu dhaawac soo gaaray

4 qof oo watay Gaari SURF ah ayaa la sheegay in ay weerarka geysteen israsaaseeyn kooban kadibna uu soo dhamaaday weerarka.

weerarkan waa kii ugu horreeyay ee lagu qaado Xerada Kafaalo oo uu shirka ka socdo, waxaana uu Shirkaasi socday Muddo 3bilood kabadan.

mid kamid ah Dadka jooga Xarunta Ergada Shirka ayaa Mustaqbal Wareysi uu siiyay kaga warbixiyay waxa meesha ka dhacay Saaka.

Shalay ayey ahayd markii Ergada Shirka ay ansixiyeen Dastuurka Maamulkaasi iayada oo Sabtigana lagu wado in la gudo galo Xulista Baarlamaanka maamulkaasi iuu yeelanayo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here