Daawo: Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka John Kirby “Ha la Xiro Madaxwaynaha Sudan”

0
268

Washington(INO)-Mareykanka ayaa ku biirey wadamada ku baaqaya in ay South Africa ay  xirto madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AL-BAshiir, oo loo heysto dacwad mudaba soo taagneyd oo ah danbiyo dagaal iyo kuwo bani’aadanimo isagoo halkaas u tegey inuu ka qeybgalo shirka madaxda Africa.

Admiral-John-Kirby

 Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada  John Kirby ayaa sheegey in inkastoo Mareykanka aanu qeyb ka aheyn wadamadiis axiixey Cahdigii Roma ee maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC, hadana ay si weyn u taageerayaan in qof walba lagula xisaabtamo  danbiyada xasuuq iyo kuwa dagaal ee uu galo.

 Waxa ay Mareykanku ugu baaqeen dowlada South Africa in ay ka hor istaagto madaxweyne Albashiir inuu dalkeeda ka baxo.

ICC ayaa ku eedeysey Mr. LAbashiir 10 danbi oo uu ka mid yahay xasuuq, danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah bani’aadanimada, isagoo ciidamada dowlada iyo carab uu hubeeyey u direy gobolka Darfur si ay cagta u mariyaan kacdoon ka dhacaayey  Darfur sanadkii 2003da.

 Shaley oo Axad aheyd ayaa xaakim reer Koofur Africa ah waxa uu amrey in  masuuliyiinta dalkaas ay ka hor istaagaan Al –Bashiir inuu ka baxo dalka Koofur Africa.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here