Akhri Nuqulka:Qaramada Midoobey oo soo dhaweysey qorshaha IGAD ee Xasilinta iyo Maamul U Sameynta Koonfurta iyo Bartmaha Somalia

0
224

Ergayga gaarka ah ee xoghaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambaasatoor Mahiga ayaa soo dhaweeyay qorsha IGAD ee ku aadan xasilinta iyo maamul usameynta gobolada koonfurta iyo badhtamaha Somalia.Ambaasatoor Mahiga ayaa sheegay in qorshaha IGAD uu awooda siinayo dadka kunool deegaanada shabaabka laga xoreeyay ee koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

‘‘Qorshahan wuxuu awood siinayaa bulshada kala gedisan ee kunool Koonfurta iyo badhtamaha Somalia si ay uga tashadaan maamul dhisida iyo qorshayaasha siyaasadeed ee Dowlada Federaalka ee Somalia,’’ ayuu yidhi Mahiga.

Ambaasatoor Mahiga ayaa Beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan Dowlada Federaalka ee Somalia iyo dedaalada dalalka deriska si loo gaadho xasilooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha Somalia iyo dalalka deriska.

Hadalka kasoo yeedhay ambaasatoor Mahiga ayaa yimid kadib markii dalalka IGAD aysoo saareen qorshe loogu magac darayIGAD Grand Stabilization Plan for South-Central Somalia islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiis kaasoo qorayay

1) Ka shaqeynta iyo xoojinta arimaha dib uheshiinta dhanka siyaasada 2)Dhisida maamulada heer deegaan 3)Abuurida awood amni oo iskudhaf ah ilaa iyo hee qaran 4)Abuurida sareynta sharciga iyo kala dambeynta 5) Kaalmo siinta bulshooyinka kaalmada ubaahan

Qodobada Is afgaradka Shirkii IGAD ee Adis Ababa oo dhameystiran halkaan ka daalaco

 

Idale News Muqdisho