DEG DEG: Xaflada Magacaawista Maamulka Cusub Ee Degmada Afgooye Oo Hada La Guda Galey

0
211

Afgooye(INO)-Xaflada Si weyn Loo Soo Agasimey isla markaana Lagu Magacaawayo Maamulka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa hadda Socota Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

xaflada

Wariyaha Shabakadda Idale News Online, Cabdi Nuur Mayow Cali oo ku  Sugan hollka Shirarka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Degmada Afgooye Oo Xaflada Ka Socoto ayaa Soo sheegeya in hadda khudbado laga Jeedinayo isla markaana waxa Halkaasi Fadhiya, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka  tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo DFS, iyo marti sharaf kale.

Xaflada Magacaawista Maamulka Cusub Ee Degmada Afgooye  ayaa Si Xabsami leh ugu Socota Goobtaasi iyadoona, Halkaasi ay fadhiyaan Saraakiiil ciidan iyo Ragga ka qiib noqonaya Maamulka Cusub ee Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Fillo  Goor Dhow Sawiro, Codod

Idale News Online, Afgooye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here