Afgooye(INO)–Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh ayaa tababar furey qaar ka mid ah Dhalan-yaradda Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Munaasabada Furitaanka Tababarkaa Ayaa waxa Ka Qiib Galey Wasiirka Isboortista ee Dowladda Federalka Soomaaliya, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Ee DFS,Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Wasiirka Dhalanyaradda iyo Isboorista Mudane C/laahi Cabdi Cumar(Fanax), Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose,Ururka Haweenka Ee Degmada Afgooye iyo Maamuka Degmada Afgooye.
Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan ayaa ku dheeraadey Ka Hadalka Kaalinta Muhiimka ah ee Dhalanyarada ay ku leeyihiin Ka Qiib qaadashada Amniga Iyo Horumarka Degaanada KG Soomaaliya, isla markaana waxa uu Dhalanyaradda Uu Kula dar-Daaramey Inay u kacaan horumarinta KGS, isagoona sheegey in qaar ka mid ah Dhalinta soomaaliyeed loo adeegsadey Colaadka Sookeeye ee Ka Aloonsadey 24 Sano ee La Soo dhaafey isla markaana haddana loo adeegsanayo Xaq-jirnimo iyo Inay wax qarxiyaan.
” Dhalanyaradu Waajibka saaran Waxa Waaye inay ka taliyaan Wanaaga, Bulsho kasta Horumarkeeda waxa Qiib Weyn Ka Qaadanaya Dhalanyaradda, waxaan idinku bogaadinaya inaad u kacdaan siidii looga wada qiib gaadan lahaa Horumarka Dalka ” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Si kastaba ha ahaatee Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira ayaa dadka ay ku dhacdo waxaa ugu horeeya dhalinyarada haddii ay ahaan lahayd dagaalada ay ku dhibanayaan iyo tahriibka ay ku dhamaanayaan.
Ugu dambeyntii, Waasaaradda Isbooriska Ee Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Dhalan-yaradda Iyo Isboortiska Ee KGS ayaa wada Mashruuc weyn oo lagu horumaarinayo Isboortiska Degaanada KGS iyo Wacyi-galinta Dhalanyaradda KG Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Afgooye