Waajid(INO)-Wararka Naga Soo gaarayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalado noolal xumi ay ka taagan tahay Degmadaasi.
Dagaal yahnada Al-shabaab ayaa kordhiyey Go’doominta Degmad Waajid kuwaas oo toddobaad ka hor 5 qof oo Shacab ah ku diley duleedka Magaalada waajid, dadkaas oo Ciidamda Al-shabaab ay ku eedeeyeen iney Raashiin u wadeen Dhanka waajid.
Dhacdadaas kadib ayaa waxaa lawaayey dadkii raashiinka keeni jirey ayagoo cabsi daraadeed u joojiyey waxaana cirka isku shareerey qiimaha maciishada qudul daruuriga ah, waxaa kaloo wararku sheegayaan in gebi ahaanba aan laga heleynin raashiin Suuqyada Magaalada waajid qof kastana wixii heystey keed ahaan uu udhigtey wolow bisha Ramadana ay fooda nagu soo heyso.
Hadaba Wararka aan kaheleyno Dhanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan ka hor Bisha Ramadan in ay usoo diri doonaan kolonyo raashiin ah Degmada Wajid ayagoo kaashanaya Hay’adaha Caalimiga ah iyo Ciidamda Dowladda Itoobiya.
Dhanka kale Maamulka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa waxaa lasheegayaa inuu ka bixi la’yahay is qabqabsi dhanka awooda maamulka waxaana magalada Ku sugan labo Gudoomeye Degmo oo mid walba Sheeganaayo inuu asaga uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah halka shacabka ku dhaqan Waajidna macluul ay udhamaanayaan qaarna sabab la’aan loogu laaynayo Duleedka Degmada Waajid.
Idale News Online, Waajid, Bakool