Baydhabo(INO)-War- Saxaafadeed Ka Soo Baxay Madaxtooyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Lagu Soo dhaweeyey Go’aankii Baarlamanka Soomaaliya Ee Ay ku kala Direen Baarlamanka Maamulka Jubba.
Qoraal laga soo saaray madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhaba ayaa lagu bogaadiyay tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay inuu yahay Baarlamaanka metela umada Soomaaliyeed sharciyadna u leh inuu go’aanadaasi qaato.
War-Saxaafadeedka ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa dowladda Federaalka.
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hore uga hor yimid dhismaha maamulka Jubba, iyadoo ay taasina xumeysay xiriirkii labada Maamul.
Si kastaba, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan Kalsoonida kala laabtay Golaha Wakiilada Jubba,iyadoo 132 Xildhibaan ay Codka U diideen 142 Xildhibaan oo Kulankii shalay soo Xaadirtay.
Ugu dambeyntii Maamulka Jubba, ayaa sheegay in Xariirka ay u jareen Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aysan wax wada shaqeyn danbe la yeelan doonin, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya kala diray Baarlamaankiisa
Halkan Ka Akhriso War- Saxaafadeedka.
ISWA Possition on Federal Parliament
Idale News Online, Baydhabo



