Baydhabo(INO)-Odayaaasha dhaqanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shir Ja’aarid ku qabtey magaalada Baydhab ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Taagyeerey Go’aanka Baarlankan Soomaaliya oo ay ku kala direen Baarlamanka Maamulka Jubba iyo weliba Maamulka Cusub ee Gobolka Bay iyo Kan degmada Baydhabo.
Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in baarlamanka Soomaaliya ay guteen shaqadii loo egmadey isla markaana cidii ka soo horjeesato ay u arkaan kuwo diidan xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya isla markaana waxay ku baaqeen in la taagyeero Go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay gaareen.
Sidoo kale Odayaasha waxay si kal iyo laab ah ay u soo dhaweeyeen Magacaabista maamulka Cusub Ee Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo oo ay badan yihiin rag dhalanyaro ah isla markaana la tuhunsan yahay inay wax weyn ka bedeli karaan arimaha Gobolka.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo