Daawo:Dowladda Mareykanka Oo Ciidamo Boqolaal Ah U Diraya Dalka Ciraaq

0
246

Washington(INO)— Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa 450 askari oo isugu jira la taliyeyaal iyo tababarayaal loo dirayo dalka Ciraaq, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

War ka soo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu xoojinayo istiraatiijiyadiisa ku aadan dagaalka Daacish, isla markaana tababaro la siinayo Ciidamada Ciraaq iyo dagaalyahanada qabaa’ilka ee ka soo jeeda Sunniyiinta.

Halkan Ka Daawo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ansixiyay in ciidamo milateri ah oo gaaraya 450 askari loo diri doono Ciraaq, waxaana ciidamadan saldhigooda noqon doonaa Gobolka Anbar oo ay Daacish intiisa badan la wareegtay.

Xulufada uu hogaamiyo Mareykanka ayaa ku guuleysan in Daacish ay ku jebiyaan dagaalka, waxaana Mareykanka uu ka carooday tallaabadii dhowaan Ciidamada Ciraaq ugaga soo baxeen magaalada Ramadi.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa dhowana sheegay in xulufada aanay taageeradii looga baahnaa ka helin, isagoo ku hanjabay in ciidamadiisa dib u qabsan doonaan Ramaadi.

Mareykanka ayaa mustaqbalka qorsheynaya in ciidamo u diro Ciraaq, si ay ula dagaalamaan Kooxda Daacish ee isku ballaarineysa dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here