Garbahaarey (INO) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Maxa’ed cabdi Kaliil ayaa ka jawaabay Dibadbaxii dhawaan ka dhacay Gobolkaasi, ee looga soo horjeeday Ciidanka AMISOM.
Wuxuu sheegay Kiliil in Go’aanka Shacabka & Diidamdooda uu yahay mid aysan maamulkooda la qabin, isagoo intaasi ku daray in Ciidanka AMISOM aysan ku joogin Gobolka Gedo Rabitaanka Shacabka.
“Ciidanka AMISOM waxa ay ku yimaadeen dalka Heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka & Beesha Caalamka, wax talo ah kuma lahan joogitaankooda shacabka Gobolka Gedo & Gobolada kale ee dalka Soomaaliya oo Ciidanka ka howlgalaan,” ayuu yiri Kiliil.
Hadalka Maxa’ed cabdi Kailiil ayaa yimid Maalmo kadib markii Shacabka Degmada Garbahaarey ay ka dhigeen Wadooynka Degmadaasi Dibadbax ay uga soo horjeedeen AMISOM.
Ciidanka AMISOM ee Gobolka Gedo, ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada Dilalka & Amni la’aanta ka jirto qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo Al shabaab ay Dadka ku dileen Duleedka Garbahaarey.
Todobaadka, Al shabaab waxay Nin Ganacsade ah ku dileen Duleedka Garbahaarey, kaasi oo xiitaa Gaari uu watay oo Khaad u waday magaalada ay gubeen Kooxda, waxaana Dilkiisa la dhalatay Carada Shacabka ay kala duldhaceen AMISOM
Idale News Online – Garbahaarey