Cabsi Laga Qabo In Diyaaradaha Kenya Ay Duqeymo Saakay Ka Geystaan Gobolka Bay

0
209

Diinsoor(INO)-Wararka Saakay Naga Soo Gaaraya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ka jirto Xaalad Cabsi ah kadib markii Degmada Xalay ilaa Saakay ay Dul haahaabayaan Diyaarado Dagaal oo Jawi Hoose ku socda.

Diyaarado-dagaal

Wararka Waxaa ay intaasi ku Darayaan in Al-shabaabka ku sugan Degmada ay galeen  Foojignaan iyo Heegan ku aadan inay weeraro ka dhacaan halkaasi.

Ilo lagu Kalsoon yahay ayaa waxaa ay Sheegayaan in Saaka ay Xiran yihiin dhamaan Goobaha Ganacsiga kadib markii Al-shabaab ay Dadka Fareen in Goobaha Ganacsi aan la Furin.

Dadka Deegaanka oo Si Hoose ula hadlay Baxdo.com ayaa sheegaya inay ka Casbi qabaan in Diyaaradaha Saakay Ay Duqeymo ka Geystaan Degmada diinsoor Ee Gobolka Bay.

Ilaa iyo hada lama oga Cida iska leh Diyaaradahan,inkastoo loogu shakisan yihiin inay iska leeyihiin Dowlada Kenya,hasa ahatee Arimahaasi ay Wax badan iska badali karaan.

Wixii ku Soo kordha dib kala Soco.

Idale News Online, Diinsoor, Bay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here