Maamulka Gobolka Gedo Oo soo Dhaweeyay Kala Dirista Baarlamaanka Jubba

0
226

Garbahaarey (INO) __Maamulka & Shacabka Gobolka Gedo, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay Go’aankii uu Baarlamaanka Federaalka ku kala diray Xildhibaanada uu magacaabay Jubba.

Kaliil

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankaasi, islamarkaana ay baarlamaanka Soomaaliya ku amaanayaan sida Sharciga u difaaceen.

“Xildhibaanada joogo Kismaayo waxay ahaayeen kuwo Axmed Madoobe uu si gaar ah u keensaday, oo Beesha uu ka dhashay oo kaliya kusoo koobay, Beelaha kalena qadiyay” ayuu yiri Gudoomiye Kaliil.

Wuxuu sheegay inay Tallaabo fiican ahayd Kala-dirista Baarlamaanka Jubba, maadaama markii horeba Axmed Madoobe ku yimid Kismaayo Taangiga Kenya,  waa sida hadalka u dhige ee, sidaasi darteedna Maamulkiisa uusan noqon doonin mid ka shaqeeya Jubbooyinka & Gedo.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa dhanka kale ku eedeeyay Maamulka Jubba in tacadiyo ay ka geystaan magaalada Kismaayo, iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dadka shacabka ah.

Idale News Online – Garbahaarey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here