Daawo:Xaflad Lagu Taagyeerayo Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay Oo Maanta Ka Dhacdey Baydhabo

0
235

Baydhabo(INO)-Xaflad weyn oo lagu taagyeerayo Maamuulka Cusub Ee Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo ayaa Maanta Ka Dhacdey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Xaflada  Waxa ka soo qiib Galey Wasiiro Ka Tirsan Dowladda KG oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane C/raxmaan Aadan Sata, Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Wasiirka Hub ka Dhigista iyo Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Mudane Xasan Xuseen Maxamed Soomaaliya,odayaal, Ururka Haweenka Ee Degmada Baydhabo iyo Marti- Sharaf kale.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bay Mudane Rashiid C/laahi iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay  Cali Mad Watiin ayaa ka hadley Munaasabadda Maanta, iyagoona Balanqaadeen inay Ka Soo baxi Doonaan Hawsha Loo Egmadey.

Wasiiradda iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Maanta ka hadley Xaaflad Lagu taagyeeraayey Maamulka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo ayaa waxay si wada jir ah u sheegen inay ka filayaan  Maamulka Cusub inuu  noqon doon mid la imaanayaan Wax-qabad iyo Wax ka qabashadda Amniga Gobolka, Caafimaadka, waxbarashadda iyo arimaha Bini’aadanimadda.

Halkan Ka Daawo.

Cali Ilyaas, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here