Afhayeen u hadley military Kenya oo lagu magacaabo Colenel Cyrus Oguna ayaa sheegey in ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya gaar ahaa Jubooyinka ay sii joogi doonaan ilaa iyo inta laga xalinaayo arrimah hogaanka Jubbaland, isla markaasna amniga iyo xasiloonada dalkaasi la soo celinaayo.
Col.Cyrus Oguna ayaa sheegay in ciidanka Kenya uu sii joogi doono Somalia ayna sii wadi doonaan dedaalada ay ku xasilinayaan dalka dagaaladu haligeen ee Somalia.
‘‘Ciidankeenu Somalia ayay sii joogi doonaan, waxayna halkaa u joogaan in shaqada ay halkaas u tageen dhameystiraan. Waxay soo baxayaan oo kaliya marka arimaha hogaaminta Jubbaland la xaliyo maamulkana lagu wareejiyo hogaamiyo la isku raacsanyahay,’’ ayuu yidhi Col.Cyrus Oguna mar uu uwaramayay saxaafada Kenya
Idale News Kismaayo