Koox diidan ama ka soo horjeeda maamulka hadda ka jira magaalada Kismaayo oo heyb ahaan ka soo jeeda beelaha Geddo ayaa la sheegayaa iney xirteen aagaag dagaal iyagoo fuuleey qaar ka mid ah dhabaqyada dhaadheer ee magaalada Kismaayo ku xeeran, halka ciidamada maamulka gobalka iyagu ay aag kale difaac ka galeen, waxaanaa magaalada Kismaayo ka muuqata xaalad kacsanaan iyo jahawareer dadka magaalada la soo gudboonaatey.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo u badan beesha ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa Magaalada Kismaayo ka dagay 3 Gobood oo muhiim ah waxaayna shegeen in aysan ka gureeyn ila Maamulka waqtigiisu dhamaday la badalo. Saraakisha Amisom ayaa wada Wadahadalo ay ku donayaan in ay Ciidamadan ugu celiyaan Xeryihii ay ka soo baxeen balse taasi wali ma dhicin.
Ciidamada Dowlada ee hadda u qeybsamey labo qeybood iyo Ciidamada Raskambooni oo wada shaqayn ka dhaxeysey mudooyinkii ugu danbeysaey ayaa hadda u muuqda kuwa kala erdhoobay ayado labadaasi ciidan ay maanta kala fadhiyaan labo ag. Iyagoo gunta khilaafka magaalada uu ku saleysan yahay dhaqaalaha dekada ka soo xeroodo iyo qaabka qeybsiga ergada oo qolo weliba dooneyso iney badsasdaan, taasooo keeney iney ku kala qeybsamaan isla markaasna qolo weliba ay beesha ay ka soo jeedo dabada geliso.
Ciidamada AMISON ee ku sugan magaalada ayaa iyagu doonaaya in ciidamada xeryahooda lagu celiyo isla markaasna waan waan isku keenaan 2da dhinac ee ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo si meesha looga saaro gacan ka hadal magaalada ku dhex mara kooxaasi ku wada sugan Degmada Kismaayo.
Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com