Dhageyso:Maamulka Degmada Bardaale Oo Ka Hadlay Dhismaha Garoon Yar Oo Laga Wado Degmadaas iyo Howlgalo Ciidan

0
318

Bardaale(INO)– Maamulka Degmada Bardaale Ee gobalka Bay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay ciidamada amaanka ee degmadaas 24 saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen duleedka magaaladaas, waxaana ay sheegeen in ay soo qabteen dagaalyahano ka tirsan kooxda Shabaab.

NEWS UPDATE

Gudoomiyaha degmada Bardaale Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo xaqiijin lahaa amaanka degmada Bardaale iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha ayaa sidaas oo kale sheegay in ay gabo-gabo ku dhaw yahay dhismaha madaar yar oo loo sameynayo degmada Bardaale, taas oo ay hada wadaan dadweynaha magaaladaas.

Bardaale ayaa wax ujirta magaalada Baydhabo 60KM, waxa ayna marar badan la kulantay weeraro Shabaab ku soo qaadeen, iyadoo ay go’odoon ugu jirtay Shabaab oo ku soo rogey cunaqabateyn, markii ay qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Bardaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here