Marka(INO)-Afhayeenka Ciidamada Gobolka shabellaha Hoose Ee Dowladda Koonfur Galbeed Somaaliya Maxamed Ciise (Maxameddeeq)Oo La hadlay Warbaahinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay safarkii shalay Madaxweynaha uu ku tagay Gobolka Shabellaha Hoose.
Afhayeenka ayaa shegay in Madaxweynaha uu gaaray degmada lambar konton ee shabellaha hoose isagoona ka duulay halkaasi.
Afhayeenka aaya sheegay in Madaxweyne qaran oo ciidankiisu ay guryaha ka gubeen shacabka lambar konton hadana uu yasay shacabkii degmada oo uusan la kulmin kaliya uu garoonka diyaarad ka raacay sida uu yiri Afhayeenka.
“Shacabka shabellaha hoose gaar ahaan reer NO.50ciidanka xooga guryaha ay ka gubeen waa la ogyhay,waxaan ka xunahay hogaankii qaranka oo lambar konton yimid shacabkuna uusan kulan la qaadan hadana garoonkoodii diyaaradaha ka safray isagoo wata ciidamo badan”Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada KGS Ee Shabellah hoose.
Afhayeenka ayaa sheegay in tabashada ugu weyn ay qabaan ay tahay sidii Madaxweynaha ay uga wada hadli lahaayeen dhibka bulshada ay ugeysteen Ciidamda dowlada gaar ahaan kuwa Milltariga oo uu sheegay in ay dab Ay qabadsiiyeen degmo dhan oo dhisan iyo tuulooyin gobolkaasi ka tirsan.
Si kastaba madaxweyne Xasan sheikh ayaa shalay gaaray deegaano katirsan shabellaha hoose oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Milltariga dowlada federaalka.
Safarkii madaxweynaha ayaa soo gabagaboobay kaliya in uu tagay xeryo ciidan oo gobolkaasi ku yaala.
Ugu dambeyntii Dadka u Dhuun duleela siyaasada ayaa sheegay in madaxweynaha uusan waligii ka hadal dagaalada ka dhacay shabellah hoose oo ay qeyb ka yihiin ciidamadiisa sida lagu eedeeyo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Marka