Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ciidamada AMISON oo ku hubeysan taankiyo iyo aqabka kale ee ciidamada ayaa la wareegey gacan ku haysta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo muddo sanooyin ah ay ka talinayeen xarakada Alshabaab.
Sida warar ka imaadaan degmada Jowhar oo xarun u ah gobalka Shabeelaha Dhexe sheegayaan dagaal kooban ayaa ku dhex marey daafaha iyo gudaha magaalada Jowhar xarakada alshabaab iyo ciidamada huwanta oo ka kooban kuwa dowlada iyo AMISON. Ciidamada xarakada Alshabaab oo in muddo ka arrimaayey maamulka gobalka Shabeelaha dhexe ayaa isaga huleelay qaar ka mid ah xarumahooda ku yaala gobalka shabeelaha dhexe oo ay ka mid tahay xarunta gobalkaasi ee Jowhar ka dib markii looga awood roonaadey dagaalkii maanta dhacey, hase ahaatee taliska Xarakada Alshabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegey in xeelad dagaal ay uga baxeen jowhar iyo degmooyinka kaleba waxayse sheegeen iney qorsheynayaan in dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ay kala hortagaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISON.
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISON ayaa ku sugan guud ahaan degmada Jowhar, sida xarunta Maamulka degmada, saldhiga degmada iyo xarumaha kale ee muhiimka ee magaalada Jowhar.
Dowlada Somalia iyo ciidamada AMISON ayaa guulo ka gaaraayey dagaalada ay kula jiraan xarkada Alshabaab, iyagoo qabsadey inta badan gobaladii iyo saldhigyaddii kale ee xarakada al shabaab gacanta ku haayeen. Waxayna taasi muujineysaa in xarakada Alshabaab waayeen awood ay isku difaacaan iyo taageeradii ay ka heli jireen shacabka ku dhaqan Soomaaliya.
Idale News Muqdisho