Daawo Qafaal ka bilowday Xaafada Islii ka dib qaraxii ka dhacey Masjid Al-Hidaaya ee Xaafada Islii ee magaalada Nairobi

0
214

Xaalada guud ee  xaafada islii ayaa  waxaad modaa in ay sii  xumaanayso kadib markay ka dhaceen  qaraxyo badan kuwaasoo lalabeegsaday masaajido iyo kaniisado  waxaan looga dan leeyahay arimo siyaasadeed maadama lagu jiro xiligii doo rashooyinka  ayadoona la doonayo in madaxa  la isku  galiyo dadka somalida ah iyo kenyatiga  oo loga  bartay in ay  nabad  kuwada  daganana jireen waligood.

Waxaa  habeenimadii xalay lala eegtay masaajidka alhidaaya  oo ku yaala jaamka  qarax  qaraxaas waxaa ku wax yeeloobay inta la hubo 5 qof oo dhimasho  ah iyo sidoo kale 20 dhaawac ah  waxaan  ku jiray dadkaasi yuusuf  xasan abdi oo ah  xildhibaankii laga  doortay xaafad islii  xildhibaanka ayaa ahaa ninka kaliya ee soo mara xaafad islii isagoona waxqabadkiisa  tusay  dadka soomaaliyeed   ee daga xaafada.

Yuusuf xasan cabdi  waxaa uu caan ku yahay  in  uu  qof waliba oo somali ah ama  muwaadin  kenyan ah  u  fadhiga uga  kaco kaasoo ka caawin jiray waxa ay u baahanyihiin isagoona u jeeda  gaar ah kalahaynn   wadani  daacad ah  halyeey ah  somalidu ay   aad ugu diirsadaan  u dhisay  jidadka  iyo  amaanka xaafada.

hadaba waxaa ka hadlay xaalada xaafada islii  yusuf xaaji  iyo  mohamed cabdi afeey  waxaan ay sheegeen  in baadhitaanada aysan  ahayn  somalida oo kaliya  laakiin   lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Nairobi