Daawo: Jaamacadda USS Ee Baydhabo Oo Maanta Soo Geba-Gabeeysey Barnaamijka Dhaqanka Todobaadka+ Dhageyso

0
227

Baydhabo(INO)-Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu soo gebagebeeyey isbuuca nabadda iyo isdhexgalka bulshada oo mudo todobo maalin ah ka socoday magaalada Baydhabo kaas oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey sida ugu haboon ee loo sugi karo ammaanka degmada Baydhabo  ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka hiddaha iyo tacalinta sare  ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,guddoomiyaha degmada Baydhabo,Xubno ka socoday maamulka gobolka Baay,maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya,guddiyaasha xaafadaha magaalada Baydhabo  shacab kale oo ka qebgalay inta kulankaasi uu socoday.

Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof.Maxamed Cali Kalaay  ayaa ugu horeyntii ka warbixiyey  u jeedada  Jaamacadda ay u qabatay kulankan looga hadlaayey  nabadda iyo isdhexagalka bulshada.

Markii Jaamacaddu darasaad dheer ku sameysay oo ku aadan sida loo sugi karo amaanka magaalada Baydhabo ayaa Jaamacada waxaa ay go’aansatay in ay qabato isbuuca nabada iyo isdhexgalka bulshada oo Jaamacada ay u aragtay in uu yahay mid muhiim u  ah nabadda” ayuu yiri Kalaay.

Halkan Ka Dhageyso.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed “Biikole” ayaa ugu mahadceliyey  maamulka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya  sida ay isugu howleen  habka ugu haboon ee loo sugi karo ammaanka magaalada Baydhabo.

Waxaan Jaamacada koonfurta Soomaaliya aan ugu mahadcelinayaa sida ay u soo qabanqaabisay kulankani looga hadlaayey nabada iyo isdhexgalka bulshada , waxaana aan ka codsanayaa dadkii ka qebqgalay kulankan in ay ku dadaalaan in ay fuliyaan qodobada ka soo baxay kulanka” sida waxaa sheegay Biikole

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Hidaha iyo Tacalinta sare maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya mudane  Maxamed Cali Maxamed (Shuute) waxaana madasha uu ka sheegay  in ay Jaamacadaha kalena ay ku daydaan Jaamacada Koonfurta Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxasanahay in aan soo xiro maanta kulanka looga hadlaayey nabada iyo isdhexgalka bulshada oo mudada  ka socday magaalada Baydhabo,Jaamacadaha kalena waxaan leeyahay ku dayada Jaamacada Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Shuute.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here