Diyaarad Drone Ah Oo Ku Dhacday Duleedka Degmada Buur-Hakabo Ee Gobolka Bay

0
456

Buurhakabo (KON) –– Diyaarad Nooca aan Duuliyaha laheyn, oo loo maleynayo inay leedahay Dowladda Mareykanka ayaa waxay Maanta oo Axad ha ku burburtay Duleedka Degmada Buurhakabo, ee Gobolka Bay.

Teaser Image Gobolka Baay: Diyaarad Drone ah oo ku dhacday Duleedka Degmada Buur-Hakabo

Diyaarada ayaa kusoo dhacday Deegaanka Buur Eyle, ee Duleedka Buur-Hakabo oo Kooxda Al shabaab ay maamusho, waxaana lagu soo waramayaa inay Al shabaab qaateen Sanduuqa Macluumaadka Diyaarada lagu keydiyo.

Wararku waxay sheegayaan in Diyaaradda aan lasoo ridin oo iskeeda usoo dhacday, waxaana aad u adag in Macluumaadka arrimahaasi la helo, maadaama Kooxda Al shabaab ay ku sugan tahay Deegaanka ay Diyaaradda Drone-ka ah ku dhacay.

May 27, 2013 Diyaarad Drone ah oo Mareykanka uu leeyahay, ayaa ku dhacday Deegaanka Buulo Mareer, ee Gobolka Shabeellaha Hoose xilligaasina waxaa maamulayay Deegaankaasi Kooxda Al shabaab.

Idale News  Online – Xafiiska Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here