Waajid(INO)-Wararka Ka imaanaya degmada waajied ee Gobolka Bakoola ayaa sheegayaan in Degmadaasi ay socodaan Halgal balaaran oo ay sameeynaayaan ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Ee AMISOM.
Ciddanka Dowladda KG Soomaaliya Ayaa laga soo waramaya in Baaritaano Xoogan ay Kawadaan Xaafadaha kala duwan Degmadda Go’doonsan ee waajid ee Gobolka Bakool waxaana ujeedka Hoolgalka lagu sheegey mid lagu xaqiijinayo amaanka degmadaasi.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Cadow C/raxmaan Ayaa Warbaahinta U Sheegey In Hawlgalku uu Bilowdeen Maalmo Ka Hor, isla markaana ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab ee Soomaliya oo go’doomisey degmadaasi.
“Ujeedada Hawgalku Waa Mid Lagu Xaqiijinaayo Amaanka Guud ee degmada waajid, degmada amaankeedu hadda waa mid wanaagsan , hawlgal adagna waxaan ka wadnaa degaanada Hoostaga degmada waajid, sida Ceel- Boon oo kale” waxaa sidaas, ayuu yiri Gudoomiye Cadow C/raxmaan
Sidoo kale, Gudoomiyihu waxa uu sheegey inay qabteen 2 ruux oo ay ugu shakiyeen inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-shabaab ee Soomaaliya, isla marakaana, waxa uu intaa ku darey inay baaritaano xoogan ku sameeyaan labadaasi, ayna ogaadeen ay yihiin Shacabka degmada Waajid ee Gobolka Bakool taasoo uu sheegey ugu dambeyntii inay sii daayeen labadaasi ruux ee dambiga lagu waayey.
” Labo ruux oo aan ka shakiney ayaan soo qabaney, baaritoono ayaa ku sameeyney, waxaan ogaaney in yihiin shacaba degan degmada waajid, markii dambi laga waayeyna waan soo dayney” ayuu yiri Gudoomiye Cadow.
Ugu dambeyntii, Ciimada KG Soomaaliya ayaa doonaya inay guud ahaan la wareegaan degaanada hada joogaaan Kooxda Alshabaab oo dagaal adag kula jirto Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM iyagoona dhawaan dagaal xoogan kula galey degmada Rabdhuure ee Gobolada Bakool.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Waajid, Bakool



