Qarax ka dhacey banaanka hore ee masaajidka Al-hidaaya oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi

0
204

Salaadii Cisho ee xiliga Nairobi ka dib ayaa waxuu qarax ay dad ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen uu ka dhacey banaanka hore ee Masjidka weyn ee lagu magacaabo Hidaayo oo ku yaala xaafada Somalida ay ku badan tahay ee Islii.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatey tiro ka badan 10 qofoodna way ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana dadka dhaawacmey ku jira Xildhibaan lagu magacaabo Yuusuf Xasan, lagana soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi oo xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ay qeyb ka tahay.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa lagu dabiibayaa mid kamida isbitaalada magaalada Nairobi halka dhaawacyadii kale la geeyay isbitaalka Afueni  ee ku yaala xaafada BuruBuru ee magaalada Nairobi.

Waxii tafaasiil dheere ah kala soco Shabakada Idale News Online

Idale News Online Nairobi