Wasiiro Ka Tirsan KGS iyo Odayaasha Dhaqanka G/Sh/Hoose Oo Shir Xasaasi Ah Ku Dhexmarey Afgooye

0
214

Afgooye(INO)Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa shir wada tashi ah ugu socday wasirada KG Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaas oo ka arinsanayay qaabkii loo dhisi lahaa maamulka degmada MarkaCadey dood iyo falaqeyn ka dib waxay isla kaseen in ay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan hor geeyaan waxii ka soo baxay Shirkooda.

Arintaas oo ka dhalatay ka dib shir ay wada qaateen Madaxwyne Shariif  Xasan Sheekh iyo wasiiro Ka Tirsan Dowladiisa ee ka soo jeeda gobolka shabeelha hoose , shirkaas oo ka dhacay degmada Afgooye, waxaana ka soo baxay in wasiirada ay la soo tashadaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka dibna ay ku soo laabtaan Afgooye oo maalmahan xafiis u ah Madaxweyne shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warar hoose oo ay heleyso MarkaCadey Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in wasiirada iyo odayaasha dhaqanka ay galabta u socdaaleen degmada Afgooye si ay berrito ay la shirtagaan shaqsiga ay u soo xusheen in uu qabto xilka gudoomiyaha degmada MarkaCadey isla markaasna in la dhameys tiro maamulka degmadaasi.

Ugu Dambeyntii Sida aan warar hoose ku heleyno ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Shariif Xasan  Shariif Xasan Sheekh Aadan uu  damacsan yahay in ugu yaraan laba ruux in laga siiyo Beesha Habargidir  Oo Dagaal Culus La Gashey Beesha Biimaal  Sanadkii La Soo Dhaafey, si  ay ugu Soo Muuqato Siyaasada Gobolkka Shabellaha Hoose.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here