Afgooye(INO)- Wararka Naga soo gaarayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan in maanta lagu wado in isbel lagu sameeyo Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wariyayaasha ayaa goor dhow looga yeeray Xarun lagu wado inay ka dhacdo Xaflada lagu bedelaayo Maamulkii Degmada Afgooye ee uu hugaaminayey Xaaji Gaabow Cusmaan.
Wariye la hadlay Warbaahinta INO ayaa sheegaya in maalmahan si weyn loo hadal haayey in sabadal lagu sameynayo Maamulka Afgooye isla markaana mid cusub loo magacaabi doono Maantana loo asteeyey inay noqotay in Maamulkaas si rasmi ah looga dhawaaqo.
Ugu dambeeyn aritan ayaa imaaneysa xilli dhawaan wasaaradda arimaha gudaha KG Soomaaliya ay sheegtey in Isbedelo lagu sameynay doono maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Afgooye