Afgooye(INO)-Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Degmad Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa kusoo waramaya in Qaar Ka Mid ah Wasiirada Dowladda KG Soomaaliya, ay ku kala aragti duwanyihiin habka loo marayo Maamul u samaynta Degmada MarkaCadey ee Xaraunta Gobolka Shabeelada Hoose.
Sida Lagu Soo Waramayo, Wasiirada qaarkood ayaa qaba in la raaco tala soo jeedinta Beesha Habar gird oo awoodooda siyaasadeed isugu geeyey in la badalo Maamulka MarkaCadey, halka Wasiirada qaarkoodna ay qabaan in arinta Maamulka ah loo daayo Odayaasha dhaqanka ee Deegaanka.
Madaxweyne, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu haysto Cadaadis ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Maamul ayaa ila wareedku sheegayaa inuu la saftay dhinac ka mida ah Wasiirada oo uu ku raacay in la magacaabo Shakhsi hada ku sugan Hotelka ay degenyihiin Wasiiradda KG Soomaaliya iyo Qaar Ka Mid ah Siyaasiyiinta Xil Doonka Ah ee Beesha Habargidir.
Sida La Sheegey, Tiro Wasiiro ah ayaa Habeen hore ka caroodaya tallaabooyinka Madaxweyne Shariif Xasan ee uu la damacsanyahay Deegaanka kuwaas oo isla habeen hore ku hoyday Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Saacadaha soo Socoda ayaa lagu wadaa in Degmadda Afgooye ay ku shiraan Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed iyo Wasiirada Dowladda Koonfur galbeed ee kasoo jeeda Iyo Madaxweyne Shariif Xasan si ay go’aan uga gaaraan arintan jahwareerka dhalisay.
Ugu Dambeeyey, Dadka Deegaanka oo horay ka digey Cadaalad daro ka dhacda Gobolka Shabellaha Hoose, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku doodaya iyadoo aanu dhaqan gelin Heshiis ku sheegyadii lagu gaaray Afgooye waxa hada dhaliyey in loo gudbo Maamul u samaynta Marka.
Idale News Online, Afgooye