Tiro Madaafiic Hoobiyayaal ah oo xaley ku dhacey agagaarka Madaxtooyada iyo Booliiska Muqdisho oo Sheegay iney hayaan Xog halka laga soo ridey

0
219

Iyadoo magaalada Muqdisho ay ku soo yaraaneysey dhawaqa madaafiicada iyo xabada ayaa haddana waxaa mar kale dhega dadka magaalada ku soo dhacey Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku soo dhacay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasoo la soo sheegaayo in ay qasaaro geysteen.

Dhawaqa madaafiicda oo ahaa kuwo laga maqlayay inta badan magaalada oo dhan, ayaa bilowday abaarihii 12-ka saq dhexe, xilli dadka hurdayeen, waxaana mar qudha bilowday madaafiic si teel teel ugu soo dhaceysay xaafado ku xeeran Madaxtooyada.

Inkastoo bartilmaameedka duqeymahan oo ahaa Xarunta Madaxtooyada ayaa madaafiicda qaar ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley.

Inta la hubo shan ruux oo isku qoys ahaa ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay xaafad ka tirsan Boondheere, iyadoo maamulka degmada uu sheegay inay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in madaafiic ku dhacay Wardhiigley ay jiraan qasaare ka dhashay, hase ahaatee lama haayo tiro rasmi ah oo ku waxyeeloobay.

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baadigoob ku hayaan kooxihii xalay madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii madaafiicda looga soo tuuray.

Jen. Axmed xasan Maalin taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in Xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo gamay.

“Halkan aan joogno oo ah Gubta ayaa madaafiicdii xalay laga soo tuuray, waana baadigoobeynaa, waxay ahaayeen kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya, kuwaas nabad diidka ah, gacanta ayaan ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Bar Internet oo ku hadla Shabaab ayaa lagu qoray in 7-Madaafiic hoobiyeyaal ah lagu garaacay madaxtooyada, kuwaasoo ku kala dhacay albaabka hore iyo gudaha xarunta Madaxtooyada sida lagu daabacay bogga Somalimemo.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo maalmihii u dambeeyay ku dhawaaqayay inay qaadayaan tallaabooyin lagu sugayo ammaanka.

Madaafiicdii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa dadka soo xusuusiyay xilligii dagaalada ka dhacayeen Muqdisho gudaheeda, inkastoo horaantii sanadkan ay madaafiic ku soo dhaceen Madaxtooyada iyo hareeraheeda.
Duqeymihii xalay ayaa imaanaya, iyadoo shalay uu ka dhoofay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.

Idale News Muqdisho