Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filaayo inuu isbuucan gudahiisa gaaro Turkiga

0
196

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaayo in booqasho rasmi ah ku tago dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa ka helay martiqaad dhigiisa dalka Turkiga Abdullah Gul. Labada Dal ayaa la filaayaa iney ka wada hadlaan arrimo door ah oo u badan iskaashiga, arrimaha bulshada iyo balaarinta gargaarka howlaha bani’aadanimo oo horeyba Turkiga uga waday Somalia.

Booqasha Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa iney qaadan doono muddo 2 cisho ah. Waxuuna inta uu joogo la kulmi doonaa jaaliyada balaaran ee ardeyda ku nool dalkaasi

Turkiga ayaa ah dalka kaliya ay dadka Soomaaliyeed u arkaan iney uu yahay saaxiib u soo gurmadey xili baahi iyo abaar ba’an Somalia ku habsadey, isla markaasna ku soo jeediyey hay’adaha iyo dalka caalamka iney sida Turkiga oo kale ugu soo gurmadaan.

Idale News Muqdisho.