Nairobi(INO)-Xogo ay daabaceen warbaahinta dalka Kenya ayaa muujineysa in DF Somalia iyo Kenya ay ku kala irdhoobeen Booqashadii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu ku imaaday dalka Somalia.
Xoguhu waxa ay muujineysaa in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu booqashadaasi uga dhex faa’iideysat Caqabadaha ay dowladiisu kala kulanto Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM kana howlgala Magaalada Kismaayo iyo faragalinta ay ku hayaan xuduuda iyo bada Somalia.
Madaxweyne Xassan oo inta badan ahaa Mas’uul aan fursad dhab ah u helin Madaxda ugu sareysa Mareykanka ayaa waxa uu inta badan Kerry xiligaasi uga waramay dhibaatada ay ku heyso Kenya, balse warbaahintu waxa ay qortay in gudbinta macluumaadkaasi ay ku kala fogaaden Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, kadib markii Uhurru Kenyatta uu arrintaasi si aad ah uga carooday.
Waxa kaloo ay warbaahintu qortay in Kenyatta uu dacwad ceynkaasi ah isna qoraal ahaan ugu gudbiyay Dowlada Mareykanka iyo Hay’addaha dhanka Amaanka ee QM ka jooga Magaalada Nairobi, waxaana xusid mudan in qoraaladiisu ay kamid ahaayen in inta badan Al-shabaabka weerarada ka geysta Kenya ay yihiin kuwo ay tababar siisay DF Somalia, kana mid ahaa Militeriga Somalia, sida qoraalka lagu xusay.
Uhurru Kenyatta oo isagu aan Dowlad ahaan ula dhaqmin DF Somalia ayaa waxa uu iminka iska fogeynayaa dhibaatooyinka ay ka tabaneyso Somalia, inkastoo Mareykanka aysan weli ka bixin wax jawaab ah.
Eedeymahaani oo ay siyaabo kala duwan u kala gudbiyeen labada Dowladood, ayaa waxa ay u muuqaneysaa in iminka ay dhalisay Colaado hor leh, maadaama labada dal aysan aheyn kuwi Siyaasad ahaan xiligaani uu xiriirkoodu wanaagsan yahay.
Waxaan la ogeyn jawaabta arrintaani kaga aadan Dowlada Mareykanka oo xiligaani kasoo horjeeda qaabka ay DF Somalia u daadihineyso Siyaasada Somalia.
Idale News Online, Muqdisho



