Baydhabo(INO)-Madaxweynah Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la xaqiijiyay inuu gadaal ka riixayo mooshinka laga keenay maamulka Jubba ee looga horjeedo qaabka loo dhisay Baarlamaanka shalay lagu caleemo saaray magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday casuumaad uu u fidiyay hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe oo ay ka wada qeyb galeen shirkii wadatashiga ee Garowe, waxayna wararku sheegayaan in wadahadal khadka telefoonka ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan lagu qancin waayay kan danbe inuu xafladaasi ka qeyb galo.
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhowaan warsaxaafadeed ay soo saartay ku canbaareeysay baarlamaanka maamulka Jubba loo dhisay inuu yahay sharci darro ay beel kaliya isku koobtay, taasoo xaaladda uga sii dartay, inkastoo uu jiray heshiis labada hogaamiye wada saxiixdeen.
Mooshinka ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe oo ay saxiixeen 43 xildhibaan ayaa taageero badan ka heysta xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha kala duwan, waxaana ugu horeeya xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo qeybo badan ay uga jiraan.
Ugu dambeyntii,Waa markii ugu horeysay ee khilaaf noocan ahi yimaado Baarlamaanka, soona dhex galo laba maamul, waxaana la dareemayaa in xukuumadda iyo madaxtooyada federaalka ay ku guul darreysteen inay door ku yeeshaan maamulka Jubba.
Idale News Online, Baydhabo