Mareykanka oo beeniyey in uu ku lug leeyahay Isgaarsiinta Syria oo hawada ka baxdey.

0
210

Dowlada Maraykanka ayaa si Kulul u beenisay, warar la isla dhex marayay saacadihii u danbeeyay, oo la xidhiidhay qalab isgaadhsiineed Casri ah oo ay ku caawiyeen mucaaridka Suuriya inuu isagu sababay, cilada ku timi hanaankii isgaadhsiineed ee dalkaas, taas oo soo baxday uun waxyar ka dib markii gabi ahaanba dhulka dawlada Suuriya ka taliso isgaadhsiintii ka go’day.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo lagu magacaabo, Victoria Nuland ayaa cadeeyay in dawlada Maraykanku Mucaaridka la dagaalamaya xukuumada uu hogaamiyo, Bashaar Al Asad ee dalka Suuriya ay ku caawisay, qalab isgaadhsiineed oo casri ah, waxa sida afhayeenku sheegay qalabkaas ka mid ah, telefoono, kaambuyuutaro iyo aalado kala oo tira badan sida uu xusay, kuwaas oo qayb ka ah ayuu yidhi, taageerada xukuumadiisu siinayso mucaaridka hubaysan ee Suuriya.

Afhayeenka u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanku waxa uu si adag u beeniyay in qalabkaas ay ku caawiyeen, mucaaridka Suuriya uu sababay cilada ku habsatay hanaankii isgaadhsiinta ee dalka Suuriya.

Victoria Nuland ayaa tilmaamay in dhamaan qalabka loo gacanta galiyay mucaaridka Suuriya uu yahay, mid loogu tala galay, in looga faa?iidaysto dhianca isgaadhsiinta iyo wada xidhiidhka laakiin aanu waxba u dhimayn isgaadhsiinta Suuriya, cilada ku timidna ay tahay mid aanay waxba kala socon qorshahana aan ugu jirin.

Ugu danbayntii waxa uu qofkaa u afhayeenka u ah wasaarada arrimaha dibada Maraykanku dib u eedeeyay xukuumada Bashaar Al Asad oo ku tilmamaay, in iyadu ay ku kacday jarida isgaadhsiinta iyo xidhiidhka internet-ka taas oo ka mid ah ayuu yidhi cadaadiska iyo argagaxa ay xukuumada dimishiq ku hayso dadka rayidka ah ee dalkaas.

Guud ahaan goobaha ay ka taliso xukuumada Suuriya ayaa mar kaliya isgaadhsiintu ka go?day, waxaana deg deg loo xidhay, madaarka wayn ee magaalada Dimishiq, taas oo abuurtay xaalad argagax leh oo hadhaysay taageerayaasha xukuumada oo u soo dhabar adaygay dagaalada iyo kacdoonada ku dhawaad labada sanadood ka socda dalkaas, oo dhiig badani ku daatay, maalin kastana labada dhinac duqayn iyo dagaalo adag ku dhex maraan meelo badan oo dalkaas ka mid ah.

 Idale News Washington