Qaramada Midoobey oo Cod aqlabiyad ah ku taageerey heerka ergada Phalestine ee Qaramada Midoobey

0
225

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyada ah ku taageeray, in kor loo qaado heerka ergada matalaysa Falastiin ee Qaramada Midoobay, waxaanay cod loo qaaday ku ogolaaday 138 xubnood, waxa diiday sagaal xubnood, waxaana ka aamusay 41-cod, taas oo noqonaysa mid guul u horseedaysa Falastiniyiinta.

Dawladaha Israel iyo Maraykanka ayaa ka galay olole balaadhan oo ay kaga hor tagayaan in Falastiin loo aqoonsado dawlad ka mid ah jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, oo kor loo qaado heerka ergadeeda dublamaasiyadeed, hasa yeeshee dawladaha carabta, Muslimiinta iyo kuwa siyaasadoodu dhex dhexaadka tahay ayaa si wayn ugu dedaalayay in Falastiiniyiintu helaan guusha ay gaadheen, waxa kale oo la socday in ka badan sadex waddan oo ka mid ah dalalka golaha ammaanka ka tirsan.

Talaabadan ay Falastiiniyiintu ku guulaysteen ayaa noqonaysa tii labaad waxaana jirtay in si cadaan ah markii hore dawlada Maraykanku ugu hor joogsatay codka diidmada qayaxan ee (VITO)-da loo yaqaano, markii codka lagu dhawaaqay ayaa golaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobay xubnihii ku sugnaa isla oogsadeen qaylo iyo farxad, hasa yeeshee ergayga qaramada midoobay u fadhida dalka Maraykanka Susana Rize ayaa si adag ugu gacan saydhay kuna tilmaantay go?aankan loogu aqoonsaday dawlad aan buuxin mid dhinac gaar ah ku kooban oo wax u dhimaysa wada hadalkii iyo hanaankii nabad galyada bariga dhexe.

Susana Rise waxa kale oo ay sheegtay in dawlada Maraykanku aanay marnaba ogolaan doonin arrintan, dhinaca kale waxa ay xustay sida dalkeedu uga shaqayn doono in meel la isugu keeno Falastiiniyiinta iyo Israel oo heshiis loo kala dhex dhigi lahaa.

Dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa iyagu ka aamusay oo aan taageerin isla markaana aan diidin, taas oo loo malaynayo inay saamayn ku yeelatay dedaalkii Maraykanka iyo Israel ka gashay, dalka Jarmalka ayaa uga aamusay isaga oo ka baqaya taariikhda colaadeed ee ka dhalatay gumaadkii Yuhuuda.

Dalalka Talyaaniga, Faransiiska iyo Isbayn ayaa iyagu u muuqday kuwo ka baxay kootadii ay ugu jireen Israel, waxaanay ku guulaysteen inay codkooda ku taageeraan Falastiin.

Aqoonsiga Falastiin oo muddo laba sanadood ka badan ay ka hawl galayeen maamulka Falastiiniyiintu waxa uu u horseedi doonaa, horumar balaadhan oo ay ka gaadhi doonaan dhinaca ammaanka iyo taageerada dhaqaale, waxa kale oo laga yaaba in ay horseedo in si deg deg ah looga hawl galo sidii xal kama danbays ah loogu soo afjari lahaa dhibaatada ugu wakhtiga dheer dunida ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israel.

Madaxweynaha Maamulka Falastiniiyiinta Maxamuud Cabaas Abu Mazim ayaa mar labaad soo hor dhigay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay codsiga in loo aqoonsado, dawladnimo aan buuxin, taas oo uu olole badan ka soo galay kuna soo qanciyay dalal tiro badan oo dunida ah oo ugu danbayntii ku taageeray.

Markii codka lagu dhawaaqay ayaa farxad la isla oogsaday magaalooyinka Ramallah iyo dhulka Falastiiniyiinta ku yaala, waxa kale oo jiray dad badan oo si wayn u taageersanaa gaar ahaan waddamada Muslimka oo la socday codbixintaas oo farxad ka qayb ahaa.