Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan Maamul Goboleed uu isagu Madaxweyne ka yahay

0
229

Guddoomiyihi hore ee Barlamanka Somalia Shariif Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudooyinka danbe ku howlanaa qorshe ku dhashey markii uu ka harey tartankii doorashada hogaanka sare ee Soomaaliya, waxuu dadaal balaaran ugu jiraa sidii uu u dhisi lahaa maamul goboleed uu madax ka noqdo laguna magacaabo Koonfur Galbeed Somaliya.

Shariif Xasan oo gacan ka helaaya inta badan xildhibaanada barlamaanka ee digil iyo Mirifle, doobabka digil iyo mirfile iyo dhaqaalaha uu haysto ayaa ku guuleystey dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia waxaana lagu balamey in la isugu tago Magaalo madaxda Gobalka Bay ee Baydhaba bilowga bisha December ee sanadkaan si halkaas loogu yaqleelo maamul ka kooban 6 gobol xaruntiisa ay noqoto Magaalada Baydhaba.

3 Gobal oo ka mid ah lixdaas gobal waxaa ka taliyey kooxo kala duwan, kuwaasoo qaarkood ku howlan dhismaha maamul u gooni ah oo lagu magacaabo  Jubbaland State of Somalia, halka Gobalka Shabeelaha Hoose uu gacanta ugu jiro Beelaha Muqdisho ama Hawiye oo iyaguna doonaaya  in Shabeelaha Hoose la raaciyo Gobalka Banaadir oo markii horeba laga gooyey.

Shariif Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu caqabaado badan kala kulmay Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne u ka noqdo.

Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen islamarkana ay xaliyeen khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State.

Shariif Xasan Sh Adan oo ah hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.

Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay 6 gobol oo kala ah Bay, Bakool, Sh.dhexe Jubbada hoose , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia waxa sido kale uu sakiintisi caanka ahayd u isticmaali doona dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado.

Ma cada sida u ku hergali karo Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana ay guda galeen oo ay Dasturkiba qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo

Idale News Muqdisho