Magaallada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dadaallo ay wadaan odayaal, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshadda Jubbooyinka.
Dadaalladaas ayaa waxaa lagu doonayaa in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, haddaba halkee ayuu marayaa qorshahaas, maxaase hortaagan in lagu dhawaaqo maamulka?. Arimahaas ayaa wxaa kahadlay Maxamed Daahir Faarax oo kamid ah Maamulka KMG ah ee Kismaayo.
HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGA MAXAMED DAAHIR
Sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay kulamo ka soconaya magaalada Kismaayo oo looga tashanayo mamul usamaynta Jubbooyinka kas oo ay ku kulansan yihiin odayaasha beelaha dega Jubbooyinka.
Waxaa kale oo uu kahadlay arimo ku aadan kulamo magaalada ku dhexmaray wafdi ka socoda beesha caalamka sida QM iyo IGAD.
Arimaha ku adan dhoofinta dhuxusha ee la sheegay in ay ka soconayso magaalada Kismaayo ayaa kamid ah qodobada uu soo hadal qaaday Maxamed Daahir Faarax