Beesha Sade iyo Qaar ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka shiray Maamul u sameynta Gobolada Konfur Galbed.

0
231

Waxaa in mudo ah socday  dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah beesha Sade iyo beelaha Digil iyo Mirifle  kuwaas oo lagu doonayay in Gobolka Gedo la raaciyo Gobolada Bay iyo Bakool, isla  markaasna loogu magac daro sedexdaas gobol maamul loogu yeerey Koonfur Galbeed Somalia.

Dadaaladaas oo badankooda ka socday dalka dibadiisa ayaa maalmihi ugu danbeyay lo soo raray gudaha dalka Somalia.

Inti dadaaladaasi  gudaha Somalia la isugu yimid ama loo soo wareejiyey  waxaa kulamo  isdaba joog ah  ay ka socdeen Magaaloyinka Luuq iyo Garbaharey  halkaas oo ay ku sugan yihiin  Masuliyiin  ka soo jeeda beesha Sade oo si weyn ugu qanacsan in la is raaciyo Gobolada Bay  Bakool iyo Gedo.

5ta degmo ee gobolka Gedo ka kooban yahay 3 ka mid ah ayaa dadyowga u badan ay yihiin Digil iyo Mirifle. tusaale ahaan Baardheere, Luuq iyo Ceel Waaq oo intuba yihiin deegaano Digil Iyo Mirifle.

Masuliyiinta wada Mideynta Gobolada  Bay iyo Bakool iyo Gedo ee ku sugan gudaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah  Dhanka  Beesha  Digil iyo Mirifle. Maxamed Xuseen Al-Qaadi ,   Xildhibaan Maxamed Ibrahim Xabsade, Xuldhibaan Adan Madooobe, Xildhibaan Adan Saransoor,  Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Adan oo lo badinayo in uu isugu noqdo madaxa maamul goboleedka Koonfur Galbeed waa haddii sida ay howshu ku socooto aysan waxba iska bedelin.

Dhanka Beesha  Sade ayaa waxaa arinkaan  Hormuud u ah   Maxamuud Sayid  Adaan, Maxamed Cabdi Kaliil, Diyaad Cabdi Kaliil ayado dhanka dibadana ay ka kaabayaan  Gurey Xaaji Faarax iyo Xubno kale

Idale News Muqdisho