>
Iyadoo maanta Somaliland looga dareeraayo doorashooyinka golaha deegaanka ayaa waxaa dagaal u dhaxeeyo ciidamada maamulka Soomaaliland iyo waliba ciidamada maamulka Khaatumo ka socdaa degmada Xudun ee gobalka Sool.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada maamulka Khaatumo ay weerar ku qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland oo ku sugnaa halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan isla markaana uu jiro khasaaro badan oo soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya ee ciidamada Soomaalilad iyo maamulka khaatumo.
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa Sheegay weerarkaasi ay qaadeen dhankooda.
Idale News Laas Caanood
Wuxuu sheegay in sababta ka dambeysa weerarkaasi uu yahay in maamulka Soomaaliland ay doonayeen inay ay doorashooyinka golaha deegaanka ay ka bilaabaan Degmada Xudun ee gobalka Sool.
Waxaa jira deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Sool iyo seegaano kale oo ay isku heestaan maamulkooda Khaatumo State iyo waliba maamulka Soomaaliland.
Shalay ayeey aheyd markii maamulka khaatumo state uu digniin ujeediyay shacabka reer Soomaaliland taasi oo ku aadan inaysan degmada Xudun ka dhigi karin doorasho golaha deegaanka ah.