Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtey qurbaha ayaa dhaliiley qaabka gaabista iyo xirxirnaanta siyaasadeed ee dowlada Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxda ka yahay, waxaana ay sheegeen in ay isku dayeen intii karaankooda ah in ay wax ka badelaan siyaasada Somalia balse lala fahmi waayey oo si kale wax loo tusey.
Xildhibaanadaan oo kala ah Prof Cali Khalif Galery, Dr. Cabdiweli Cali Gaas, Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo kuwa kale oo Kulan gaar ah la yeeshau jaaliyadaha dalalka ay joogaan ayaa sheegey in kursiga xubinada barlamaanka ay beelahooda dib ugu celin doonaan isla markaasna dib dambe aysan uga qeyb noqon doonin kulamada barlamaanka ee gudaha dalka ka socda.
Tan iyo markii la dhisey xukuumada uu madaxda ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa soo baxaayey dhaliilo ka imaanaaya qaar ka mid ah xildhibaanada iyo dadka Soomaaliyeed oo sheegaay in koox gaar ah isku koobeyso hanaankii siyaasadeed ee dalka, waxaa muuqatey in xildhibaano kor u dhaafaaya 100 ay dib qurbaha ugu laabteen kuwaasoo rajo xumo ka muujiyey isbedelka dowlada ku balanqaadey, halka dad kale oo Soomaaliyeedna ay qabaan in xildhibaanadaasi dib u laabtey waayeen waxay ay ku taamayeen.
Idale News Muqdisho