Daawo: Wariye Daa’uud Cali Cumar,Xaaskiisa Iyo Cali Gaajo Oo Galabta Lagu Aasey Baydhabo

0
329

Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Baydhbo ee Xarunta Gobolka Bay, lagu Aasey, Alle Ha unaxariiste, Wariye Daauud Cali Cumar iyo Xaaskiisa, iyo Nin fuudo ahaa  oo yiraahdo Cali gaajo oo xaley koox hubeysan ku dhishey Baydhabo.

dauud

Boqolaal Shacab ah oo reer Baydhabbo  ah oo aad u murugsan ayaa ka qiib galey Aasskooda, iyadoona wasaaradda Hub ka dhigita, Dhaqancelinta Iyo Tababaradda Maleeshiyaada KGS ay fariin U dirtey Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka tirsanaa Idaacadda Baydhabo ee gobolka Bay iyo xaaskiisa ayaa xalay gurigiisa lagu dilay, iyadoo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanayn, waxaana lagu dilay goobta qof saddexaad oo lagu magacaabi jiray Cali Gaajo.

Saddexdan qof ee xalay Baydhabo lagu dilay ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu badnaa ee habeen qura lagu dilo Baydhabo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo kooxihii dilkooda geystay ay baxsadeen.

Dilalka shacabka loogu geysanayo xalay guryahooda Baydhabo ku yaalla ayaa waxaa sidoo kale horay loogu dilay guryahooda culummaa’uddiin, nabadoonno iyo waxgarad magaalada si weyn looga yaqaannay.

Ugu dambeyn, ciidamada Amniga ayaa howlo baaritaanno ah kawada gudaha magaalada Baydhabo, si ay gacnta ugu soo dhigaan kooxihii  falalkii dilalka ahaa ee xalay dhacay ka dambeeyay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here