Dhageyso: Abwaan Balwad-Diid Oo Soo Saarey Gabey Xiiso Badan Oo Ugu Magacdarey Dhibane Kuna Wajahan Dr. Amaandhoorey.

0
275

Baydhabo(INO)-Abwaan Cabdi Cali Nuur Qaasim oo la yaqoono Balwad-Diid, oo ka mid ah hal Abuuradda waa weyn ee  Goboladda Koonfur Galbeed ee wadanka Soomaaliya isla markaana Curiya Heesaha iyo Gabayada Ee Afka-Maay-ga Ayaa Soo Saarey Gabey uu ugu Magac Darey “ Dhibane”.

amaandhoorey

Abwaanka ayaa Gabyeygani Si toos ah ugu wajahey Dr. Amaandhoorey oo ah Shakhsi inta badan Keydiya Hidaha Iyo Suugaanta Afka Maay-ga, isla markaana waxa Uu Ku dhiira Galinaya Sii wadastiisa iyo Ku dayashadiisa taasoo taariikhda dhow oo Jiilka Soo socoda Tixraac u noqon doonto Keydintaasi.

Abwaan Balwad-diid ayaa La Sheegey inuu Maqley uun kaliye arintaasi, ka dibna dareenkiisa sii shidmey  ku cabireyna Gabeygan Ee “Dhibane” oo Xigmad weyn Hambaarsan, isagoona tan iyo sanadkii 1991 markii uu ku soo biirey fanka Afka Maay-ga uu tiriyey Gabayo Iyo Heesooyinka badan oo Caan ku ah Gobolada KG Soomaaliya.

Fanka iyo suugaanta oo Taariikh dheer oo soo jireen ah ku leh Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Ummadda ku hadasha Afka Maay-ga ee Looga Hadlo Goboladda Koonfurta Soomaaliya iyo qiibo ka mid ah Gobolka Waqooyi beri ee Dalka Keny, isla markaanaana Ah laanta Ka Mid ah Afka Cushtiga.

Sidoo kale Waxa La Oran karaa in suugaanta ay ka mid tahay tiir dhexaadyada noloosha ummad kasta oo dunida meel uun kaga nool.

Suugaanta  Afka- Maay-ga waa keydka kaliya ama dhaxalka ugu weyn ee ay leedahay bulshada KG Soomaaliya oo afkeeda la qorey mar aanan sidaasi usii fogeyn, waana tan lagu keydiyey taariikhaha faca weyn ee bulshadani ay leedahay Ab ku Ab.

Halkan Ka Dhageyso Gabeyga Dhibane

Sida ay sheegeen Abwaanadda ku taqasustay dhanka fanka iyo suugaanta, Fanka iyo Suugaanta waa hub loo adeegsan karo siyaasada ,colaada ,nabada, waddaniyada amniga, dhismaha qoys, tabaca iyo waxyaabo kale oo badan.

Ugu dambeyntii Gabeygan Dhibane Ee uu tiriyey Abwaan Balwad-diid ayaa ah kii ugu dambeeyey ee uu tiriyo sanadahan dambe, waxa sii yaraanaya, Ragga iyo Dumarka ee  wax Alifi Jirey Goboladda KG Soomaaliya taasoo sabab u ah Is jiid Jiidka Siyaasadeed, dhiira galin la’aanta haysato Dadka maxkasdoodu wax ka Soo Maaxdo, Daruufo iyo Colaada Sokeeye Ee Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here