Ciidamo Dharcad Ah Oo Lagu Daadiyey Magaalada Muqdisho

0
247

Muqdisho(INO)-Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Soomaaliya Col Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho ka hawlgeliyeen Ciidamo dharcad si xaalada amniga wax looga qabto.

Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidanka dhexgeli doonaan shacabka taasoo looga goleeyahay xoojinta ammaanka magaaladda Muqdisho iyo xog ka keenista arrimaha dadka ku sheekeystaan.

“Waxay ciidamadan ku milmi doonaan shacabka, waxayna la raaci doonaan gaadiidka dad-weynaha, waxay tegi doonaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin si macluumaad badan ay uga keenaan” ayuu yiri.

Hay’daha ammaanka ee dawladda ayaa amar ku bixiyey in gaadiidka la dhigan karin meelaha ay ku badanyihiin shacabku ..waana sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Soomaaliya ayaa ku booriyey Ciidankan iney shaqadooda si wanaagsan u qabsadaan ,isagoona shacabka ka codsaday iney la shaqeeyaan.

Sidoo kale, wuxuu rajo fiican ka muujiyey hawlgelinta Ciidanka dharcadka ah iney wax badan ka bedeli karo Xaalada ammaan ee magaaladda Muqdisho oo ah xarunta gobolka Banaadir.

Weerarada ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab ayaa afhayeenku sheegay markey toban weerar ka hortagaan ay hal weerar fuliyaan balse dhibaato xoogan ugu geystaan shacab aan waxba galabsan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here