Baydhabo(INO) Dowaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa daandaasi ku tilmaantay tallaabadii Gudoomiyaha gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku burburiyey Soodin ay Masuuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka sameeyeen deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed wasiirka warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshadda Ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu ku burburiyey Xadkii ay dhawaan ka sameeyeen deegaanka Jaziira ay tahay daandaansi dagaal iyo xadgudub aan la qaadan karin.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidanka qaranka Soomaaliyeed loo adeegsado in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna farta ku fiiqay iney muhim tahay in la muujiyo halka uu ku egyahay xadka u dhexeeya gobolka Shabellaha hoose iyo gobolka Banaadir.
Ugu Dambeyntii, Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo ay wehlinayaan ciidamada Booliska iyo nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa shalay burburiyey Calaamado lagu sheegay Soodin oo ay deegaanka Jaziira ka sameeyeen masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo