Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay in ka badan 15-kalena way ku dhaawacmeyn qarax bomb oo galabta lagu tuuray bas nooca Minibus-ka magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii.
Wariye ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay xaafada Section One ee Islii oo ah meel ay ku badan yihiin dadka Soomaalida.
“Qaraxa aad ayuu weynaa, dhowr qof ayan arkay oo meyd ah” ayuu yiri Maxamed Faarax oo ah wariye ku sugan Nairobi.
Sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka Reuters ayaa isna sheegay in uu arkay dhowr qof oo dhaawac ah, oo saarkaan gaariga bambka lagu weerraray.
Madaxa booliska Nairobi Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in qaraxa lagu tuuray baabuur minibus, oo ay la socdeen rakaab.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu waxyeelo gaarsiiyay kuraasta, saqafka iyo daaqadaha, sidoo kalena wax yeelo uu soo gaarsiiyay labo baabuur ah.
Kenya dhawaanahan waxay la kulmeysay mowjado weerraro ah, kuwaasoo ka dhacay Nairobi, xeebta Mombasa iyo sidoo kale magaalada Gaarissa.
Weerrarada lagu qaado Kenya waxa lagu eedeeyay Al-Shabaab kuwaasoo dagaalo kula jiro ciidanka Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo qabsaday toddobo usbuuc magaalada dekedda leh ee Kismaayo