
Ugu damneyntiina iyadoo ninkaasi oo maxkamada horteeda ka hadlay uu ku calaacalay inuu ka xun yahay waxa dhacay islamarkaana uu ujeedkiisa ahayn inuu dilo wiilkaas yar ee uu adeerka u yahay islamarkaana bilihii la soo dhaafay ay u ahaayeen kuwo ku reebay murugo xun ayuu sidoo kale waxaa uu raali galin buuxda ka bixiyey falka xun ee uu sameeyey, Hooyada dhashay wiilkaas la silay oo lagu magacaabo Shukri Bile ayaa waxay ku tilmaamtey waxa dhacay wax aad iyo aad u xun iyadoona sheegtay in qof ay aamintey ay kala kulanto dhibaatadaas oo kale ay tahay wax laga xumaado, Falka uu ninkaan ku kacay ayaa waxaa la yaab ka muujiyeye xeer ilaaliyaha guud ee kiiskaan ninka lagu magacaabo Frank A. Sedita asagoona ku tilmaamay kiisaskii ugu xumaa ee soomara mudo ka badan 24 sanadood oo ku gudo jirey shaqadaan