Wasiirka Arrimaha Dibada Iraan oo Muqdisho soo gaarey, Safaaradoodii Muqdishana dib u furay 22 sano ka dib

0
214

Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaarada Iiraan ay yeelan doonto magaalada Muqdisho.

Isagoo saxaafada kula hadlayey garoonka dayuuradaha wax yar ka dib markii uu soo degay ayaa wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Iiraan waxaa uu sheegay in Iiraan Iyo Somalia uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

Waxaa uu sheegay in dowladiisu ku faraxsan tahay isbedelada siyaasadeed ee ka dhacay dalka, wuxuuna xusay in dowlada iyo shacabka reer Iiraan ay garab taagan yihiin dowlada cusub ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibeda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madax kale oo ka tirsan xukuumada cusub, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii Iiraan ay u taageeri laheyd dowlada Somalia.

Wasiirka Arrimaha dibeda ee dowlada Iiraan ayaa sidoo kaler maanta tegay xarigana ka jaray xarunta cusub ee safaarada Iiraan ku leedahay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu faraxsan yahay arintaas, wuxuuna intaa ku daray in dhowaan ay Muqdisho ka hirgelin doonaan xarun caafimaad oo si lacag la’aan ah loogu daweeyn doono dadka danyarta ah.

Iiraan ayaa ka mid ah dowladihii sanadkii hore u soo gurmaday kumanaan shacab Soomaaliyed ah oo ka soo baracaya abaarihii ku dhuftay gobolada dalka waxaana dalka yimid heyado samafal oo Iiraan ka socda kuwaasoo qaarkood ilaa hadda howlo samafal ka wada xeryaha barakacayaasha, waana markii markii 2aad ee uu socdaal ku yimaado Muqdisho Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi.
 Idale News Muqdisho