Warar aan hada helney ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Tarsan uu ka tanaasuley Xildhibaanimadii, waxaana booskiisa lagu badaley Ismaan Xaaji Maxamuud ( Dr.Dufle), Tarsan ayaa horey uga warwareegayay inuu ka soo xaadiro Barlamaanka isagoo xiligaa ka shakisanaa inuu waayo xilka Gudoomiyanimada Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tan iyo Markii loo doortey Xildhibaanimada waxaa soo baxayey warar ka hadlaya sababta uu Tarsan u doortey inuu noqdo Xildhibaan, waxaana lagu sifeeyey isagoo ka baqsanaa in xukuumada Cusub ee Madaxweyne Xasan ay Xilka ka qaadaan, marka si uusan banaan ugu soo dhicin wuxuu beeshiisa kasoo dhameystey inuu noqdo Xildhibaan, dhowr jeer ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku ka codsadey inuu soo xaadiro Baarlamaanka, lakiin Tarsan oo Dadal ugu jira inuu sii hay shaqadiisa Gobolka Banaadir wuu ka warwareegey inuu tago Baarlamaanka oo Xildhibaanimo u dhaarto, Hadii uu Tarsan u dhaaran lahaa Xildhibaanimo wuxuu waayi lahaa shaqada Gobolka Banaadir.
Hada waxaa muuqata in uu Maxamuud Tarsan Xukuumada cusub kasoo dhameystey inuu sii hayo Xilka Gudoomiyanimada Gobolka Banaadir, waxaana sida wararku sheegayaan ka caawiyey Madaxweynihii hore Shariif sheikh Axmed.
Banaanbixii lagu taageerayay Xukuumada cusub ee Muqdisho ka dhacay 8 bishan waxaa soo abaabuley Tarsan, waxaana loo badinayaa inuu banaanbuxu ahaa mid uu Gudoomiye Tarsan ugu mahad celinayay Xukuumada cusub xilka ay u daayeen isaga.
Idale News Muqdisho.