Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla Oo Ka Hor Yimid War Dhawaan Ka soo Yeeray DFS

0
349

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa arrin aanan laga fiirsanin ku tilmaamay go’aankii dowladda ay dhawaan ku gaartay in saldhigyo Yemen looga duulo ay siineyso isbahaysiga uu Sucuudiga Hoggaaminayo.

shariif-Maxamed-Abdalla

Xildhibaanka oo warfidiyeenada kula hadlay Muqdisho ayaa yiri “Dowladaha dagaalkaasi ku jira, iyaga ayaa naga xiga halka uu ka dhacayo, halkan xarumana kuma lahan, maraakiibna uma joogto, barrigana maba isku xirna, dowlad Soomaaliyeedna hadda awood ay u leedahay ma jirto, in hawadeeda ay xukunto iyo badaheeda ayaaba ah arrin aanan dhameystirneyn , marka aad itaal leedahay waxaad rabto taageer, laakiin hadda dowladda waxa ay ahayd in masaaliixda la’is barbar dhigo”

Waxa uu sheegey in ay jirtey qaab habboon oo hadalka dowladda loo dhigi karay “In arrintaasi aanan lagu degdegin, wasiirka arrimaha dibada hadalkiisa waan dhageysanayay, qaamuuska siyaasadda arrimo badan oo la adeegsan karo ayaa jira, waxa lagu soo jeediyeyna diidmo oo kaliya ma ahan, siyaasada dublamaasiyadda ninka hoggaaminaya Soomaaliya waxaa u furneyd in uu adeegsado ereyo kale oo uu ku qancinayo dadkaasi laftooda”.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye ayaa dhawaan sheegey in dowladda Soomaaliya ay saldhigyo cirka iyo dhulka ah siisey isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee Yemen.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here