Weeraro ka dhacay gobalka Rift Valley ayaa waxaa lagu dilay tiro ciidamada Booliiska Kenya halka kuwa kalena lagu dhaawacey.

0
213

Weerarkan ayaa yimid kadib markii kooxo hubeysan oo Xoolo dhaqato ah ay jidgooyo u dhigeen ciidamada Booliiska oo ku raadjoogay dad la sheegay inay dhaceen xoolo.

Weerarkan ayaa ahaa mid si xirfadeysan loo qorsheeyey ayadoo la sheegay in Booliiska looga gacansareeyey iska horimaadka halkaasi ka dhacay.

Taliyaha Booliiska ee gobalka Rift Valley Cismaan Warfa ayaa saxaafada u xaqiijiyey inuu iska horimaadkaasi dhacay, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo tirada askarta lagu dilay weerarkaasi.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobterka ayaa soo qaaday qaar kamid ah Saraakiisha ku dhaawacmay weerarkaasi oo hada la keenay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa sare u kacayey weerarada ay kooxaha hubeysan ka geystaan gudaha dalka Kenya, ayadoo sidoo kale ay sii xoogeysteen dilalka u dhaxeeya Qabaa’ilada ku dhaqan dalkaasi Kenya.

Bilihii Agoosto iyo September ayey dad ka badan 100 qof ku dhinteen iska horimaadyo u dhaxeeyey qowmiyadaha ku dhaqan deegaana Wabiga Tana ee dalkaasi Kenya. Halkaasi oo lagu dilay boqolaal haween iyo caruur ay ku jiraan.

Weeraradan ayaa lagu eedeenayaa inay ka danbeeyaan qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanadaasi kasoo jeeda oo kooxo hubeysan u adeegsada la dagaalanka qowmiyadaha kale ee isku hayaan siyaasada iyo waliba dhulka.

Idale News Kenya.