Kismaayo(INO)-Maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegey in lagu wargaliyey duqeynta diyaaradaha Kenya ay ka wadaan dhulka uu maamulkaasi ka taliyo.
Gaashaanle Maxamuud Cabdi Sheekh Xujaale oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd in ay ka warhayaan duqeymaha ayaa waxa uu yiri “Wax anaga aan ogeyn oo gobolkani ka fula ma jiraan, waana isku xir ciidan, talaabo kasta oo ay AMISOM qaadayso waan ognahay” .
Dhanka kale waxa uu ka warbixiyey duulaamo iyo hawlgalo ciidamada Jubbaland ay maalmahan ka wadeen meelo u dhow Kismaayo iyo waliba kuwa la qorsheynayo in lagu qaado deegaano horleh.
Mar wax laga weeydiiney in ciidamada Jubbaland ay u barbar dhigi karaa kuwa Al Shabaab ayuu yiri “Dagaal waa qayaano, ninka hal qorina ha watee haddii uu xabbada kaala hormaro waxna waa dili karaa, waxna waa dhaawici karaa, laakiin Shabaab soo ban bixi kara oo ciidamadani usoo babac dhigi karo ma jiro, ku dhufo oo ka dhaqaaq weeye ”.
Sidoo kale gaashaanlaha ayaa sheegey in uusan faahfaahin ka heynin rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay nawaaxiga degmada Afmadoow oo Kenya kasoo baxsaday.
Idale News Online, Kismaayo.