Xukuumada Saacid oo uu muran hareerey, shakina uu soo galey iney hesho kalsoonida barlamaanka

0
206

Kadib markii maalinimadii Sabtidii shalay baarlamaanka Soomaaliya uu dib u dhigay kulan lagu doonayey in xukuumadda cusubee raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon codka kalsoonida ku weydiisato baarlamaanka ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumada ay qarka u saaran tahay inay dhacdo.

Afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay markii cod u qaadista golaha wasiirada ay baaqatay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in “sababo farsamo awgood ay u baaqatay“ in xukuumada ay hor timaado baarlamaanka.  Gudoomiyuhu ma uusan sheegin mudo cayiman oo loo qabtay xukuumadda inay baarlamaanka ku timaado, waana tan mida dareenka hadda jira keentay. [AKHRI HADALKA AFHAYEENKA BAARLAMAANKA]

Ilo wareed ku dhow xafiiska madaxtooyada iyo kan raysul wasaaraha oo aan beryahan waxba ku kala duwaneyn ayaa Idale News maanta u xaqiijiyey in caqabad weyn ay hor taagan tahay xukuumadda cusub ayna qarka u saaran tahay in xukuumada ay dhacdo, taasoo keeneysa in raysul wasaaraha laftiisa uu dhaco, markaasina madaxweynuhu uu ku qasbanaan doono inuu markale soo magacaabo raysul wasaare sida ku cad qodobka 90aad (faqradiisa 4aad) ee dastuurka kaasoo sheegaya in madaxweynuhu uu kala diri karo xukuumadda haddii ay weyso aqlabiyada codka baarlamaanka.

Walaacan ayaa ku saleysan sida ilo wareedku sheegayo, in illaa hadda aan la heyn tiro xildhibaano ku filan inay xukuumada tobanka wasiir ka kooban ay difaacaan oo baarlamaanka jooga, taasina ay keeneyso in (haddiiba lagu dhaqaaqo) in kulanka ugu horeeya ee xukuumada ku hortagi doonto golaha shacabka ay weyso codka kalsoonida ee 50%+1 ee golaha baarlamaanka oo ay ku heli karto kalsoonida